Boliiska Soomaaliya oo saraakiil cusub loo dhaariyey

Date:

Munaasabad lagu dhaarinayey saraakiil aqooyahanno ku soo biiray ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo uu ka qeyb-galay wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda lagu dhaarinayey 199 sargaal oo ku soo biiray ciidanka Boliiska Soomaaliya, ah Jaamiciyiin ayaa dhacdey sugsiga tababarrada cidanka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka Amniga Soomaaliya, taliyaha ciidanka Boliiska, taliye ku xigeenka, wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo xildhibaanno Barlamaanka Soomaaliya ka tirsan.

Saraakiisha aqoonyahannada Boliiska ee la dhaariyey ayaa ballan-qaaday in ay gudan doonaan waajibaadka Qaran ee ay u dhaarteen..

Wasiiru dowlaha Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, ayaa kula dardaarmay saraakiisha in ay ku dedaallaan ka soo dhallaalidda waajibaadka Qaran ee loo igmaday, maadaama ay heystaan fursaddii ugu fiicneyd.

Taliyaha ciidanka Boliiska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in Dufcaddan ay tahay tii ugu badneyd, Mustaqtalka dhowna askari walba oo ciidanka ka tirsan uu noqon doono aqoonyan Soomaaliyeed, hoggaanka Boliiskuna ay dedaal xooggan u geli doonaan arrintaas.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa yiri “ciidanka Boliiska waa saaxiibka shacabka, waxaana lagama maarmaan ah in ay noqdaan aqoonyahanno wax ku soo kordhin kara dalkooda, Xukuumadduna ay wakhi badan ku bixin doonto sidii loo soo dhammeystiri lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin”.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...