Guddoomiye Taabid oo dhiirogelin u sameeyey ciidamada sugaya amniga Caasimadda

Date:

Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa uu ku meer ku tagay saldhigyo ay ka howlgalaan ciidamada ammaanka,kuwaasi oo baara gaadiidka soo gala iyo kuwa ka baxa caasimadda,kuwaasi oo ku sugan  deegaanka siinka dheer ee duleedka Koonfureed ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mudadii uu ugua jiray booqshadiisa Guddoomiye Taabid waxaa uu ku amaanay ciidamada sugaya nabadgeliyada caasimadda,sida ay u muujinayaan dhabar adayd,kuwaasi oo ka hortaga dhagaraha argagixisadu ay u soo maleegeyso shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa markii halkaasi uu tagay wuxuu kulan la yeeshey saraakiisha ciidamada sugaya amniga caasimadda,isagoo balanqaaday in laga warhayn doono,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay la qeybsan doonto dadkaasi dhibaatada.

Talaabadan uu ku dhaqaaqay guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed aya dhiirogelinaysaa ciidamada sugaya amniga caasimadda,iyadoo ay in badan ku guuleysteen in ay fashiliyaan falal qaraxyo dhowr ah oo ay soo maleegeen maleeshiyada Alshabaab.

Isbedelo dhanka amniga ah ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho,tan iyo markii loo sameeyay magaalada ciidamo si gaar ah uga howlgala sugiidda nabadgeliyada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...