Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2018-ka

Date:

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya sanadka cusub ee 2018-ka qorsheyneyso iney ku talaabsato Horumaro la taaban karo oo shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqi doonaan.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in sanadka 2018-ka u qorsheysan tahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta nidaamka doorashooyinka sida shuruucda, xisbiyada, doorashooyinka dawladaha hoose, dib u eegista dastuurka iyo dhammaan arrimaha hagaya in doorashooyin hal cod iyo hal qof ay dhacaan 2020ka.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Soomaaliya waa socotaa ee qof walba waa inuu horumarka jira sii xoojiyo si aan u wada gaarno doorashooyin shacabku doortaan Madaxdooda,”

Dhanka kale,Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku tallaabsatay horumar ballaaran Sanadkii dhamaaday ee 2017, iyadoo caqabadihii jireyna lagu xaliyey si Soomaalinimo iyo nidaamka dowliga ah.

“Horumarada la gaaray sanadkii tagay ee 2017 waxaa ka mid ah Amniga, Maamulka Maaliyada, Dib u eegista Dastuurka, Diyaargarowga doorashooyinka, Wadashaqeynta Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah & G/Benaadir, isku xirka shacabka iyo Dawladda, horumarinta warbaahinta, isla xisaabtanka, ansixinta 15 shuruucda muhiimka ah, soo celinta maamulka hawada, is-dhexgalka bulshada, siyaasada dhalinyarada, horumarinta cayaaraha iyo arrimo fara badan baan ku guuleysanay 9kii bilood ee Xukuumadu jirtey (tan iyo 1da April 2017),” Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...