Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2018-ka

Date:

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya sanadka cusub ee 2018-ka qorsheyneyso iney ku talaabsato Horumaro la taaban karo oo shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqi doonaan.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in sanadka 2018-ka u qorsheysan tahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta nidaamka doorashooyinka sida shuruucda, xisbiyada, doorashooyinka dawladaha hoose, dib u eegista dastuurka iyo dhammaan arrimaha hagaya in doorashooyin hal cod iyo hal qof ay dhacaan 2020ka.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Soomaaliya waa socotaa ee qof walba waa inuu horumarka jira sii xoojiyo si aan u wada gaarno doorashooyin shacabku doortaan Madaxdooda,”

Dhanka kale,Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku tallaabsatay horumar ballaaran Sanadkii dhamaaday ee 2017, iyadoo caqabadihii jireyna lagu xaliyey si Soomaalinimo iyo nidaamka dowliga ah.

“Horumarada la gaaray sanadkii tagay ee 2017 waxaa ka mid ah Amniga, Maamulka Maaliyada, Dib u eegista Dastuurka, Diyaargarowga doorashooyinka, Wadashaqeynta Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah & G/Benaadir, isku xirka shacabka iyo Dawladda, horumarinta warbaahinta, isla xisaabtanka, ansixinta 15 shuruucda muhiimka ah, soo celinta maamulka hawada, is-dhexgalka bulshada, siyaasada dhalinyarada, horumarinta cayaaraha iyo arrimo fara badan baan ku guuleysanay 9kii bilood ee Xukuumadu jirtey (tan iyo 1da April 2017),” Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...