Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo daah furay qalab casri ah oo lagu soo kordhiyay Dekadda Muqdisho+Sawirro

Date:

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta daah furay qalab casri ah oo saaraya Maraakiibtii ku bur buray Biyaha Badda iyo qashinka ku dhex jira.

Qalabkan cusub oo ay keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu daah furayay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac,mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak Sami Erol,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in maanta ay daah furaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho,taasoo suurta gal ka dhiganeysa in Maraakiib fara badan oo xamuulkooda culus yahay ay ku soo xirtaan Dekadda.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac,ayaa tilmaantay in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheynaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirta.

Qalabkaan ayaa ah mid muhiim ah gaar ah uleh Dekadda Muqdisho,taasi oo Maraakiibta Xamuulka ah ay ku soo xiran karaan,islamarkaana dakhli xoogan ka soo xaroon doonaan sida ay mas’uuliyiinta Dowladda sheegeen.

Ugu danbeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Mareeyaha Dekadda ee Shirkadda Albeyrak Sami Erol ayaa sheegay iney bilaabi doonaan nidaamka caro saarka ee Dekadda.

Qalabkaan casriga ah ee maanta la daah furay ayaa loo diyaariyay shaqaalo loo tababaray bixinta Maraakiibtii ku bur burtay dhowr iyo labaatan sano ka hor biyaha Badda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...