Somalia oo dib u soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo+Sawirro

Date:

Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ka qeybgalaya Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo.

In ka badan 800 ayaa shirkan ka soo qeybgashay iyagoo ka kala yimid 70 dal si ay uga qeybgalaan shirkan oo ka dhacayey caasimada Masqad ee dalka Saldanada Cumaan 11 – 12 December 2017. Shirkan ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Cumaan H.H. Sayyid Fahd bin Mahmoud al-Said, iyadoo Wasiirada Dalxiiska & Dhaqanka ay ka soo qeybgaleen.

Ujeedada shirkan caalamiga ah ayaa ahaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dalxiiska iyo kuwa Dhaqanka looguna diyaar garoobi lahaa Ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah gaarista horumar joogta ah.

Shirkan ayaa Wasiiradii ka soo qeybgalay waxay yeesheen kulan wadahadal iyadoo CNN ay u qeybineysay dooda oo diirada lagu saarayey doorka Dalxiiska ee uga aadan nabada iyo horumarka.

Wasiirada Cambodia, Libya, Somalia, Iraq iyo Vietman ayaa wasiirada kale la wadaagay qorsheyaashooda soo nooleynta Dalxiiska si dalalkooda nabadeyntiisa iyo horumarka uga qeybqaataan.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka warbixiyey istraatejiyada iyo qorshaha Soomaaliya ay dib ugu soo nooleyneyso Dhaqanka & Dalxiiska ayaa yiri “Somalia waxey dib u soo nooleyneysaa Dalxiiska & Dhaqanka si ay uga qeybqaataan soo celinta amniga, nabadeynta iyo horumarka dalka.

Soomaalidu waa dad adkeysi badan isla markaasna ku fiican hal-abuurka ganacsiga, bacdamaa uu dalku nabad noqonayo waxaan abuureynaa aasaaskii lagu horumarin lahaa dhaqanka iyo dalxiiska si dhalinyaradu ay hab-abuurkooda uga faa’iideystaan taas oo rajo ku soo celineysa shacabka, isla markaasna horseedeysa shaqo abuur.”

Xoghayaha Guud ee UNWTO Dr Taleb Rifai ayaa yiri “Sanadkii 2016 in ka badan 1.2 billion dad ah ayaa socdaalay. Marka la gaaro 2030 waxaan rajeyneynaa in dadka socdaaladaya ay kor u dhaafaan 1.8 billion. Dhaqaalaha Adduunka 10% ayaa Dalxiiska ka yimaada oo ay 10kii qofba uu hal qof ka shaqeeyo arrimaha dalxiiska.

Dalxiise kasta waxuu fursad u abuuraa dhaqaalaha oo kobca, nabdeynta, is-fahamka bulshada, iyo in dadka magaalada iyo baadiyaha oo ka wada shaqeeya kor u qaadista Hiddahooda iyo Dhaqanka.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in hadda la joogo waqtigii saxda ahaa ee Soomaaliya ay jiilka cusub u diyaarin laheyd siyaasadii, istraatejiyadii iyo qorsheyaashii dalxiiska dib loogu soo celin lahaa. Dalxiiska waa xaqiiqo jirta, caalamkana isagaa loo soo wadajeystay oo uu si xowli ah u socdaa.

Dalxiiska waxuu shaqooyin u abuuraa dhalinyarada, waxuu kor u qaadaa dhaqaalaha. Dowladda Federaalka waxey ku bixisaa juhdi fara badan si dalka uu u gaaro isku filnaasho buuxda.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Soomaalidu ay leedahay Qurbo joog firfircoon oo buundo u noqon karta sidii loo dhiirigelin lahaa Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo haddii ay saaxiibadood ku qanciyaan inay dalka u soo dalxiis tagaan ayaa noqoneysa habka ugu habboon aan kor ugu qaadeyno hirgelinta dalxiiska iyo dhaqanka.

Soomaalid waa dad jecel safarka tanoo u noqoneysa raasumaal uu dalku leeyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...