Shirka Wadamada Islaamka ee looga hadlayo Arinta Qudus oo Goordhow Furmay

Date:

Waxaa goordhow magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka furmay Shirka deg dega ah oo ay isugu yimaadeen dalalka Islaamka kaasi oo looga hadlayo go’aankii Donald Trump uu Caasimada Israa’iil ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen hogaamiyeyaasha 16-dal  iyo wakiilo ka socda qaar ka mid ah wadamada Islaamka ayaa waxaana khudbada furitaanka ka jeedinaya Madaxweyne Turkiga Erdugan oo ah Shir guddoomiye ah, isagoo ugu baaqay Mareykanka inuu ka laabto Go’aanka uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil, wuxuuna ugu yeeray Dowladaha iyo Hay’addaha Difaaca Xuquuqda Aadanaha inay caasimada Falastiin u aqoonsadaan inay tahay Qudus.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka uu khudbad ka tarjumeyso qadiyada Falastiin inuu ka jeediyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israa’iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Caro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...