R/Wasaare ku xigeenka XFS oo lagu soo dhaweeyey Addis-Ababa

Date:

Adis-Ababa(SONNA) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi Itoobiya Maxamed Cali Nuur, masuuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan Dawladda Ethiopia.

Ujeedada socdaalka Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa la xiriirta ka qeybgalka  munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara.

Waxaa lafilayaa in ay halkaasi khudbado ka jeediyaan madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa,iyadoo lafilayo in ku xigeenka raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) uu halkaas ka jeediyo uu kaga hadlidoona ahmiyadda munaasabadda iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Mudane Mahdi Maxamed guuleed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...