Aqalka Cad ee Mareykanka oo ka digay in la baajiyo kulanka Mike Pence iyo Maxamuud Cabaas

Date:

Washington(SONNA) War ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa laga soo saaray digniin ku aadan dowladda Falastiin inay hakiso kulan ay dhammaadka bishaan la qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, kaddib go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.

Arrintani ayaa soo baxday waxyer un kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Dalka Mareykanka Mr  Mike Pence kaasi oo la qorsheynayo in uu booqdo dhulka Falastiin.

Mas’uul sare oo katirsan xisbiga madaxweyne Maxamuud Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus,taasi oo keentay in Mareykanka uu soo saaro digniintaas.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mr Pence ayaa lafilayaa in uu socdaal ku taga Bariga Dhexe dabayaaqada Bishan,lama oga waxyaabaha shirkaasi uga qorsheysan maamulka Donald Trump.

Isku dhacyo u dhexeeya Falastiyiinta iyo ciidamada Yuhuudda ayaa ka dhacay magaalada la heysto ee Daanta Galbeed,waxaana ku dhaawacmay ilaa 30 falastiiniyiin ah.

Dibab-baxayaasha reer Falastiin ayaa ka careysnaa go’aankii madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...