Aqalka cad ee Maraykanka oo ku kala qaybsan arrinta Quddus

Date:

Washington-DC-(SONNA)-War kasoo baxay Aqalka cad ee Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ayan jirin qorshe laysku raacsan yahay oo safaaradda Maraykanka ee Talaviv loogu rarayo Magaalada barakaysan ee Qudus.

Aqalka cad ee looga arrimiyo Waddanka Maraykanka ayaa meesha ka saaray in ku dhawaqista Madaxweyne Donald Trump ay la micno tahay in maamulkiisa uu ka baxayo wada hadalladii uu ka waday Bariga dhexe.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka , Sarah Haka Bisandares, ayaa sheegtay in Madaxweynaha ay ka go’antahay inuu sii wado wada xaajoodkii u dhexeeyay Falastiin iyo Israa’iil, mana jirto bay tiri Dowlad kale oo ku raacsan qorshahaasi.

Waddamada saaxiibka dhow la ah Maraykanka qaarkood ayaa ka hor yimid qorshahan uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Trump, iyadoo ay durbaba soo baxayaan diidmo ka imaanayso xubno ka mid ah Aqalka cad iyo xisbiyada Dalka Maraykanka.

Isha:VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...