Kulan loogu duceynayay dadkii ku dhintay Qaraxii Hotel Shaamoow oo ka dhacay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA):– Munaasabad loogu baroordiiqayay Alle ha u naxariistee  Ardaydii  iyo Mas”uuliyiintii  heerka Qaran ee ku dhintay Qaraxii 3-dii Decenbar 2009-kii ka dhacay Hotel Shaamoow oo ay soo qaban qabiyeen dhaqaatiir ka qalin jabisay Jaamacadda Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaana ka soo qeyb galay la-taliyaha dhanka Siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Dhaqaatiir Macalimiinta Wax ka dhiga jaamacada Banaadir iyo Marti sharaf lagu Casuumay.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay dukumiintiiyo ka hadlayay Waxii ka dhacay hotelka Shaamoow oo xiligaasi ay ka socotay Xaflada Qalin jabinta.

Dr. Xaarith Shoole oo ka mid ahaa Ardaydii Xilligaasi wax ka baranayay Jaamacada Banaadir ayaa sheegay in saaxiibo dhowr ah ku waayay Qaraxii Hotelka ka dhacay.

Xildhibaan C/fitaax Qaasim oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay  in marna aan laga Caajisin la dagalanka kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabab, isla-markaan hal-meel looga soo wada jeesto.

La-taliyaha Dhanka Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo, Maxamuud Axamed Nuur Tarsan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ku booriyay in ay is- abaabulaan isla-markaana ay soo sheegaan Shabaabka ku dhuumaleysanaya Magaaladaan.

Ugu danbeyntii,Senator  C/Waaxid Cilmi Goonjeex ayaa Alle ugu baryay dhamaan dadkii ku dhintay Qaraxaasi ay geysteen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab inuu geeyo Janatul Fardowso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...