Kulan loogu duceynayay dadkii ku dhintay Qaraxii Hotel Shaamoow oo ka dhacay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA):– Munaasabad loogu baroordiiqayay Alle ha u naxariistee  Ardaydii  iyo Mas”uuliyiintii  heerka Qaran ee ku dhintay Qaraxii 3-dii Decenbar 2009-kii ka dhacay Hotel Shaamoow oo ay soo qaban qabiyeen dhaqaatiir ka qalin jabisay Jaamacadda Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaana ka soo qeyb galay la-taliyaha dhanka Siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Dhaqaatiir Macalimiinta Wax ka dhiga jaamacada Banaadir iyo Marti sharaf lagu Casuumay.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay dukumiintiiyo ka hadlayay Waxii ka dhacay hotelka Shaamoow oo xiligaasi ay ka socotay Xaflada Qalin jabinta.

Dr. Xaarith Shoole oo ka mid ahaa Ardaydii Xilligaasi wax ka baranayay Jaamacada Banaadir ayaa sheegay in saaxiibo dhowr ah ku waayay Qaraxii Hotelka ka dhacay.

Xildhibaan C/fitaax Qaasim oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay  in marna aan laga Caajisin la dagalanka kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabab, isla-markaan hal-meel looga soo wada jeesto.

La-taliyaha Dhanka Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo, Maxamuud Axamed Nuur Tarsan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ku booriyay in ay is- abaabulaan isla-markaana ay soo sheegaan Shabaabka ku dhuumaleysanaya Magaaladaan.

Ugu danbeyntii,Senator  C/Waaxid Cilmi Goonjeex ayaa Alle ugu baryay dhamaan dadkii ku dhintay Qaraxaasi ay geysteen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab inuu geeyo Janatul Fardowso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...