AKHRISO: Nuxurka Khudbadaha laga jeediyay Wejiga Labaad ee shirka London

Date:

Muqdisho(SONNA):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shir guddoominaya Wejiga Labaad ee shirkii london oo maanta si rasmi ah uga furay Muqdisho ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo taageerada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale,Waxaa madasha ka hadlay madaxda Dowlad Goboleedyada dalka,kuwaasoo sheegay iney door muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amaanka dalka iyo in la xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay iney diyaar u yihiin iney qaataan doorkooda ku aadan dhismaha Ciidamada Qaranka.

Axmed Madoobe,madaxweynaha Jubbaland oo isna ka hadlay Wejiga Labaad ee shirkii London ayaa tilmaamay iney muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aamada ka soo baxa shirkan,wuxuuna sheegay in Jabbaland ahaan culeyska heysta uu yahay in Horjoogayaasha Kooxda Argixisada gabaad ay ka dhigtaan deegaanada Jubbaland loona baahan yahay in laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa qeexay iney muhiim tahay in la waqtiyeeyo qorshaha Amniga Qaranka iyo sida loo tababarayo Ciidanka ayna ula wareegayaan amniga wadanka.

Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxweynaha Galmudug oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Burcadbadeeda awooda la wiiqay,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in Galmudug ahaan guul ay ka gaareen shirkii wada hadalka ee ka dhacay dalka Jabuuti,isagoo carabka ku dhuftay in dhawaan ay tagayaan magaalada Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo si kooban shirka uga hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Al-shabaab ay sii liidanayaan,islamarkaana uu gabalkooda uu sii dhacayo,isagoo cadeeyay in la heysto wado cad oo lagu horumari karo,” Waa in aan dayacin fursadaha aan heysano maanta”,ayuu yiri madaxweyne Waare.

Dhanka kale,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyaa dagaalka ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab,wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Qaraxii 14-kii October ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid Xanuun badan oo muujiyay dhibaatada Cadowga,isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in loo baahan yahay in maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo Amniga Gobolka,wuxuuna sheegay iney sameeyeen qorshe hordhac ah oo lagula soconayo Amniga ilaa iyo heer degmo.

Waxaa sidoo kale,goobta hadalo kooban ka hadlay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM iyo u qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kuwaasoo sheegay iney garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxayna dhiira geliyeen dhismaha Ciidanka Amniga Qaranka si ay awood ugu yeeshaan iney dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale