Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta qabatay kulankii ugu horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Technical Working Group – TWG).
Shirka waxaa ka soo qeyb galay shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka (ISPs), iyo khubaro farsamo, si loo xoojiyo adkeysiga iyo horumarinta waarta ee kaabayaasha Xargaha Badda Hoosteeda Mara ee Soomaaliya.
Aqoon-isweydaarsigan, oo soconaya laba maalmood, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adda, daneeyayaasha kale ee qaybta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, kobcinta fahamka wadajirka ah ee caqabadaha horyaalla qaybta Xargaha Badda Hoosteeda Mara, iyo soo jeedinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga iyo isku halaynta kaabayaasha internet-ka xawaaraha sare leh ee dalka.
Inta uu socdo aqoon-isweydaarsigu waxaa diiradda lagu saarayaa maaraynta ciladaha xargaha ku yimaada, tartanka suuqa, horumarinta kaabayaasha, iyo hirgelinta qaab-dhismeedka sharciyeynta xeerarka lagu nidaaminayo Xargaha Badda Hoosteeda Mara ee dalkeenna.
Aqoon-isweydaarsiga waxa sidoo kale lagu falanqeynayaa natiijooyinka warbixin dhowaan la diyaariyay oo ku saabsan suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, taas oo fursad u siinaysa daneeyayaasha inay xaqiijiyaan xogaha muhiimka ah isla markaana ay ka doodaan mudnaanta horumarinta mustaqbalka ee qaybta isgaarsiinta.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka aqoon-isweydaarsiga, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loo kordhiyo adkeysiga kaabayaasha dhijitaalka ah.
“Xargaha badda hoosteeda mara waa laf-dhabarta isku-xirka dhijitaalka ah ee dalkeenna, waxayna door muhiim ah ka qaataan kobaca dhaqaalaha, dhiirrigelinta hal-abuurka, iyo fududeynta helitaanka adeegyada aas-aasiga ah. Kooxdan Farsamo waxay xoojinaysaa iskaashiga u dhexeeya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo daneeyayaasha kale ee qaybta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda si loo dhiso kaabayaasha isgaarsiinta oo adkeysi leh laguna kalsoonaan karo.”

