Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Date:

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa wada hawlgallo lagu ciribtirayo anshax-xumada iyo falalka lidka ku ah dhaqanka suubban ee Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed.

Howlgalladan ayaa lagu soo qabtay laba eedaysane oo lagu eedeeyay inay si joogto ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ugu baahin jireen muuqaallo anshax-xumo ah.

Eedaysanayaasha ayaa loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si loogu qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan.

Sidoo kale, Booliiska ayaa baadi-goob ku haya dhowr eedaysane oo ku lug lahaa fal dhaqan-xumo ah oo lagula kacay gabar Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, haddii aad aragto ama hayso xog ku saabsan eedaysanayaashaas, fadlan la wadaag saldhigga Booliiska ee kuugu dhow ama kala xiriir lambarka 991.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...