Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda, ayaa maanta kormeer ku tegay Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo Kooxda Hobollada Qaranka ee Waabari ay ka wadeen tababarrada iyo bandhigyada faneed loogu diyaar garoobayo munaasabadaha maalmaha Qaranka.

Kormeerka Wasiirka ayaa la xiriiray u kuurgelidda heerka diyaarinta heesaha iyo bandhigyada loogu talagalay toddobaadka xorriyadda, iyadoo Hobollada Waabari ay wadaan diyaargarow xooggan oo lagu xusayo munaasabadaha qaran ee foodda nagu soo haya.

Wasiir Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa bogaadiyey dadaalka fannaaniinta, abwaannada iyo bahda farsamada ee ka shaqeynaya diyaarinta heesaha wacyigelinta iyo kuwa waddaniyadda, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo xusuusinta halgankii dheeraa ee loo soo maray xorriyadda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...