Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga oo xilka la wareegayo maanta+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Munaasabadan uu xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka socota xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalay xafladda Wasiirka guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Wasiiro xildhibaano,Taliyaha ciidanka Xooga Dalka,saraakiil,Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya,iyo diblomaasiyiin kale.

Waxaa munaasabadaasi suugaan ka tarjumaysa gubaabada ciidamada iyo ahmiyadda difaaca dalka ka soo bandhigay koxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo dhawaan la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu qorsheynayo xoojinta tayaynta iyo dhismaha ciidanka Xoogga Dalka,maadaama ay muhiim ay u yihiin difaaca Dalka.

Dhawaan ayaa ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga wuxuuna bedelay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo dhawaan xilkaasi iska casilay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...