Beeraleyda Caddaanka ah ee Zimbabwe oo soo dhaweeyay is-bedelka

Date:

Harare(SONNA)-Caddaanka reer Zimababwe ayaa soo dhaweeyay is beddelka madaxtinimo ee ka dhacay Dalkaasi, markii uu cadaadis jinsiyadeed kusoo rogay hoggaamiyehii hore ee Dalkaasi Robert Mugabe.

Deos Theros, oo ka mid ah Caddaankii uu Mugabe kala wareegay Beeraha ayaa sheegay inuusan weligiis heleyn dhulkii uu tacbanayay, balse ay tani fursan u tahay Dadka Caddaanka ah, lagana yaabo in maamulka cusub uu dhiirri gelin u sameeyo, si ay ugu qayb qaataan soo kabashada Beeraha.

Kumanaan Beeraleey Caddaan ah una badnaa British ayaa sanaddii 2008-dii lagu qasbay inay ka baxaan Dhulkii ay tacbanayeen muddada dheer, iyadoo ay xukuumaddii markaa talada haysay ee uu hoggaanka u hayay Robert Mugaabi ay ku wareejisay Dadka Madoowga ah ee reer Zimbabwe, taasoo si weyn ugu caraysiisay inta badan waddamada reer Galbeedka.
Xigasho/The East Afrika

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...