Beeraleyda Caddaanka ah ee Zimbabwe oo soo dhaweeyay is-bedelka

Date:

Harare(SONNA)-Caddaanka reer Zimababwe ayaa soo dhaweeyay is beddelka madaxtinimo ee ka dhacay Dalkaasi, markii uu cadaadis jinsiyadeed kusoo rogay hoggaamiyehii hore ee Dalkaasi Robert Mugabe.

Deos Theros, oo ka mid ah Caddaankii uu Mugabe kala wareegay Beeraha ayaa sheegay inuusan weligiis heleyn dhulkii uu tacbanayay, balse ay tani fursan u tahay Dadka Caddaanka ah, lagana yaabo in maamulka cusub uu dhiirri gelin u sameeyo, si ay ugu qayb qaataan soo kabashada Beeraha.

Kumanaan Beeraleey Caddaan ah una badnaa British ayaa sanaddii 2008-dii lagu qasbay inay ka baxaan Dhulkii ay tacbanayeen muddada dheer, iyadoo ay xukuumaddii markaa talada haysay ee uu hoggaanka u hayay Robert Mugaabi ay ku wareejisay Dadka Madoowga ah ee reer Zimbabwe, taasoo si weyn ugu caraysiisay inta badan waddamada reer Galbeedka.
Xigasho/The East Afrika

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...