Kulan ku saabsan dhageysiga dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda 2018 oo muqdisho ka socda

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya kulan u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Guddigga Maaliyadda Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qeybaha bulshada,kaasi oo ku saabsan arrimaha Miisaaniyadda Dowladda ee 2018.

Kulanka waxaa goob joog ka ah Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle,Wasiiru Dowlaha Maaliyadda iyo gudiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Ujeedka kulanka ayaa ah dhageysiga dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda sanadka 2017,taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliy,oo dhawaan la horgeeyay Golaha Shacabka.

Hadafka ugu weyn ee dhageysiga dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda ayaa ah sidii dadweynaha Soomaaliyeed,aqoonyahanada iyo ururada bulshada Rayidka ay aragtidooda ugu biirin lahaayeen Miisaaniyadda Dowladda ay ku shaqeyndoonto 2018ka,ka hor inta aan baarlamanka Soomaaliya uusan ansixin.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaaraysa lacag dhan,  labo boqol todobaatan iyo afar Millyen oo Dollar,lix boqol iyo 30 kun,boqol sagaashan iyo 1(US$ 274,630,191) oo loogu talagalay in lagu qabto guud ahaan howlaha Dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...