“AKHIRSO” Maamulka G/banaadir oo amaro Amniga Muqdishoย  ku saabsan soo saarayย 

Date:

Muqdisho (SONNA), Kulan howleedka Golaha Amniga Gobolka Banaadir oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha la xiriira amniga Gobolka, dhulalka iyo Go’aammada Maxkamaddaha.

Golaha Aminga G/Benaadir wuxuu walaac ka muujiyay sida sharciga fulintiisa ay marwalba u hirgalin oo loo hareer maro, waxaa kale oo uu Goluhu isku raacay in talaabo laga qaado gawaarida sida qaldan u adeegsada wadooyinka iyo baraha ciidammada qaar oo la sheegay in lacago shacabka looga qaado.

Kulan uu yeesho Golahu isbuucii hal mar, waxay Golahu goโ€™aamiyeen qoddobada soo socda:-
1. Goluhu wuxuu farayaa in la ilaaliyo sharciga wadooyinka cidii jabisaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.

2. Waxaa sidoo kale ciidamada la farayaa ciddii lagu arko iyaddoo lacago laaluush ah ka qaadaneysa shacabka iyo ganacsatada baraha ciidanka, in isla meesha talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

3. Waxaa dhammaan madani iyo ciidanba la farayaa in loo wajaho sida ay tahay go’aamadda sharciga waafaqsan.

4. Golaha wuxuu isku raacay in si wadajir ah loo la xisaabtamo ciddii ka hortimaado go’aammada sharciga waafaqsan ee ku aaddan dhulalka iyo guryaha la isku heysto.

5. Waxaa dhammaan hayโ€™adaha kala duwan ee dowladda iyo ciidammada amniga lagu wargalinayaa in arrimaha dhulalka iyo guryaha la isku heysto in ay lasoo xiriiraan Maamulka Gobolka Banaadir iyo D/hoose ee Muqdisho.

6. Go’aammada hay’adaha Amniga Gobolka waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Gobolka Banaadir, haddii ay jirto xaalad deg-deg ah, waxaa la isugu yeerayaa Golaha waqti kasta si loo wajaho xaaladda amni ee jirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...