“AKHIRSO” Maamulka G/banaadir oo amaro Amniga Muqdisho  ku saabsan soo saaray 

Date:

Muqdisho (SONNA), Kulan howleedka Golaha Amniga Gobolka Banaadir oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha la xiriira amniga Gobolka, dhulalka iyo Go’aammada Maxkamaddaha.

Golaha Aminga G/Benaadir wuxuu walaac ka muujiyay sida sharciga fulintiisa ay marwalba u hirgalin oo loo hareer maro, waxaa kale oo uu Goluhu isku raacay in talaabo laga qaado gawaarida sida qaldan u adeegsada wadooyinka iyo baraha ciidammada qaar oo la sheegay in lacago shacabka looga qaado.

Kulan uu yeesho Golahu isbuucii hal mar, waxay Golahu go’aamiyeen qoddobada soo socda:-
1. Goluhu wuxuu farayaa in la ilaaliyo sharciga wadooyinka cidii jabisaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.

2. Waxaa sidoo kale ciidamada la farayaa ciddii lagu arko iyaddoo lacago laaluush ah ka qaadaneysa shacabka iyo ganacsatada baraha ciidanka, in isla meesha talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

3. Waxaa dhammaan madani iyo ciidanba la farayaa in loo wajaho sida ay tahay go’aamadda sharciga waafaqsan.

4. Golaha wuxuu isku raacay in si wadajir ah loo la xisaabtamo ciddii ka hortimaado go’aammada sharciga waafaqsan ee ku aaddan dhulalka iyo guryaha la isku heysto.

5. Waxaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo ciidammada amniga lagu wargalinayaa in arrimaha dhulalka iyo guryaha la isku heysto in ay lasoo xiriiraan Maamulka Gobolka Banaadir iyo D/hoose ee Muqdisho.

6. Go’aammada hay’adaha Amniga Gobolka waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Gobolka Banaadir, haddii ay jirto xaalad deg-deg ah, waxaa la isugu yeerayaa Golaha waqti kasta si loo wajaho xaaladda amni ee jirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo war muhiim ah soo saaray

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS) isaga oo...