Xukuumadda Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Somaliland

Date:

Muqdisho (SONNA) Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hambalyo u dirtay Madaxda cusub ee Maamulka Somaliland ee ku guuleystay doorashadii ka dhacday deegaanada maamulkaasi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ‘Khadar” oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in wax badan oo hormar ah ku tilaabsadeen Somaliland.

“Waxaan halkan Hambalyo uga dirayaa Somaliland iyo Madaxda Cusub oo ay doorteen waxaa ay muujiyeen dadka Somaliland dareen aad u wanaagsan kaas ayaana ah kan hormar kasta lagu gaari karo, Madaxda Xisbiyadda ayaa iyana dhankooda muujiyay dulqaad aad u wanaagsan”.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed waxa uu sheegay in looga baahan yahay Hogaanka Cusub ee Somaliland inay dar-dar galiyaan Wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Doorashadii ka dhacday Deegaanadda kala duwan ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Xisbiga Kulmiye kaas oo hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu taladda Maamulka Soomaaliland heyn doona Shanta Sano ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...