Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya

Date:

Madaxweynaha dowladda Masar ayaa sheegay in dowladiisa aysan aqbali doonin in dowladda ay Itoobiya ay leexsato wabiga Biyaha Nile, oo labada dal ay ku muransan yihiin.

Waxaa uu sheegay in shacabka Masar ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo kusoo duusho, una muuqata in ay doonayaan in ay qaataan qeyraadka ay leeyihiin dadka Shacabka ah.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax al-Siisi ayaa xusay in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay.

Madaxweyne al-Siisi ayaa dhawaan arrintan wadahadal kala yeeshay Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan al-Bashiir iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Haila Mariam Daselegne.

Waxaa uu sheegay in dowladda Masar ay fahansan tahay horumarka dowladda Itoobiya ,hadana marna aysan aqbali doonin in qeybta Biyaha ee Wabiga Nile ee dowladda Masar waxyeelo la gaarsiiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo...

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...