Madaxweyne Gaas oo heshiis la saxiixday Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa maanta 18 Nov 2017 si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe .

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda Dowladda China ay kawaddo Puntland, samaynta xiriir dhaw oo ay yeeshaan Puntland iyo dalka Shiinaha, horumarka ay Puntland  ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanadaeeda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalkaasi u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha Puntland uu kusoo dhammaaday guul,  waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntlaand ay ka jiraan nabad iyo horumar,  isla markaana waxa uu safiirku shacabka dalka China ku dhiirigeliyey inay maalgashtaan Puntland, yimaadaan oo wada shaqayn dhow layeeshaan shacabka Puntland.

Mr Qin Jian ayaa tilmaamay in Puntland ay horumartay, isla markaana muhiim u ah Soomaaliya, samaysayna horumar, kala danbayn, dhaqaale wanaagsan, sidoo kalena hirgashatay kaabayaal dhaqaale oo horumariyey dhulkooda, waxaana uu timaamay in dhulka Puntland yahay mid qurux-badan, khayraad dabiiciya ku duugan yahay, isla markaana waxaa uu ku dhiirigeyey shirkaddaha waaweyn ee Shiinaha inay maalgashtaan Puntland sida ay shirkadda CCECC u maalgelinayso garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo dhismaha waddada Garoowe-Eyl.

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya ayaa waxa uu isagoo kahadlaya sida ugu fudud ee loo samayn karo xiriir ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha loo baahan yahay in la sameeyo wufuud labada dhinac ah oo isu waydaarta , si loo hirgeliyo is dhexgal iyo is-fahan ku salaysan wanaajinta xiriirka labada dhinac.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalkii isaga iyo danjiraha dalka China uu kusoo dhammaday guul, isla markaana uu sidoo kale guul-kusoo idlaaday safarkoodii ay ku joogeen Puntland, isagoona Madaxweynuhu danjiraha guddoonsiiyey haddiyadda ka koobnayd hiddaha iyo dhaqankeena Soomaalida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...