Wasiir Yuusuf Garaad”Waxaa na casuumay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka

Date:

Washington(SONNA) Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku faah faahiyaya Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya,shir ka dhacay Dalka Mareykanka kaasi oo u dhexeeya madaxda Africa iyo Mareykanka.

Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga.

Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka.  Waxaa laga hadlay caqabadaha hor taagan horumarka ganacsiga siiba xudduudaha qafilan, musuqmaasuqa iyo tayada wax soo saarka warshadaha qaarkood oo heer tartan geli karta aan taagneyn.

Waxaa la eegayay kororka tirsada dadka qaaradda iyo horumarka uu dhaqaaluhu sameyn karo 2020, 2050 iyo weliba ka sii dib.

Waxaa laga hadlay la dagaallanka argagixisada.

Waxaa kale oo la soo qaaday sida ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan siyaasadda iyo howlaha kale ee dalkooda ka socda.

Arrintaas marka aan ka hadlay, tusaaleyaasha aan soo qaatay waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu abaabushay iyo kaalinta ay ka qaateen gurmadkii billowday 14-kii Oktoobar.

Marka aan soo qaaday gurmadkaas, waxaan u mahadceliyay dhammaan dalalkii noo soo gurmaday oo ay ugu dambeysay Rwanda.

Ujeeddada shirka waxaa lagu soo koobi karaa in la horumariyo Ganacsiga iyo maalgashiga, la dhiirri geliyo Dowlad wanaagga lagana hortago argaggixsada.

Waxaa ka qeyb galay soddomeeyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo Afrikaan ah, waxaana na casuumay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo isaguna goob joog ahaa.

Shirku wuxuu ka dhacay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...