Bannaan baxyo ka dhacaya Dalka Zimbabwe

Date:

Iyadooweli madaxweyne Roberta Mogabe uu diidan yahay in uu xilka ka dego,ayaa hadana madaxda Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF sare u qaaday cadaadiska uu ku hayo Madaxweyne Robert Mugabe,waxaaan ay ugu yeereen in uu xilka baneeyo.

Saraakiisha sar sare ee  Hoogamisa  xisbiga ZANU-PF ayaa Mugabe ka dalbanaya in uu xilka iska casilo kadib markii maalintii arbacada ay ciidamada Militariga la waregeen awodda dalkaasi.

Balse Madaxwayne Robert Mugabe wuxuu doonayaa in uu xilkasi ssii hayo ilaa xisbiga uu ku yeelanayo shirka qara ee la filayo in bisha soo socota lagu qabtay Dalkaasi.

Banaan bax ballaaran oo ay taageerayaan militariga Zimbabwe iyo Saraakiisha xisbiga ZANU-PF ayaa lafilayaa in maanta uu ka dhoco magaalada Haraare ee Caasimadda Dalka Zimbabwe.

Hogaamiyayaasha ururka ay ku bahoobeen galbeedka Afrika ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro,iyadoo Madaxwayne Robert Mugabe uu shalay markii ugu horreysay tan iyo arbacadii ka soo muuqda goob fagaara ah isaga oo ka qaybgalay xaflad qalinjabin ahayd.

Madaxweyne Mugaabe ayaa saran cadaadis xoogan oo dhankasta kaga imaanaya,kaasi oo ah in uu talada wareejiyo maadaama muddo 40 sano ah uu soo maamulayay dalkaasi,tan iyo 1988kii

Militariga Dalkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in ay wada hadal kula jiraan balse ay soo sheegi doonaan natiijada ka soo baxda wadahadaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo laga Daah-furay degmada Galcad

Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa...

Ololaha todobaadka dhir beerista oo ka billaawday xarumaha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Xildhibaan Faarax Macallin iyo wafdi la socday

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed...