Wasiirka Waxbarashada XFS oo heshiis la saxiixday Hay’adda Amiin Ambulance ee Muqdisho

Date:

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalak Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa heshiis kula saxiixday magaalada Muqdisho mas’uuliyiinta hay’adda Gar gaarka deg dega ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Heshiiskani ayaa waxaa uu dhigayaa in tababaro la siiyo bahda waxbarashada si ay isku bad baadiyaan hadii ay dhibaato timaado,maadaama inta badan bulshada ay yihiin bahda waxbarashada,sidoo kale waxaa uu dhigayaa in hadii uu shil dhoco hay’adda gar gaar ee Amiin Ambulance ay ahmiyad gaar ah siisobahda waxbarashada oo la aaminsanyahay in ay yihiin dadka ugu badan ee bulshada oo dhibaatooyinka soo gaara.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta la kulanka mas’uuliyiinta Hay’adda gar gaarka deg dega ah,iyo in aan heshiikan kala saxiixanyo,waxaan rabnaa in tabaabaro la siiyo bahda waxbarashada si ay isku badbaadiyaan hadii uu shil dhoco,marka waxaan rajaynayaa in heshiiskani uu waxbadan soo kordhin doono”. Ayuu yir Wasiirka waxbarashada.

Dhanka kale madaxda hay’adda gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambulance ayaa soo dhaweyey hadalka wasiirka waxbarashada,iyagoo ka mahadceliyay la kulanka wasiir C/raxmaan Daahir Cusmaan,iaygoona sheegay in ay fulin doonaan heshiiskaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...