Shirkii Golaha Wasiirada XFS oo ka dhici lahaa Baydhabo oo baaqday,kana socda Muqdisho

Date:

Shirkii Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka soconaya magaalada Muqdisho.

Waxaa shir guddoominaya ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,iyadoo looga hadlayo howlaha horyaala Golaha WasiiradaXukuumadda Soomaaliya.

Waxaa lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Baydhabo,balse waxaa dib u dhac uu ku yimid in shirka uu ka dhoco Baydhabo,maadaam halkaasi ay ka socoto qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabdda lagu xusayo sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegatay markii la dhisay maamulka koonfur Galbeed oo uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo munaasabadaasi ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey waxaana soconaysa qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...