Wasiir Yariisow” Waxaa jira qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro”,

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday iney dhalinyarada Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaateen Horumarka dalka gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Wasiir Yariisow ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan qaswadayaal diidan iney nabad ka dhalato Soomaaliya,kuwaasoo mar waliba heegan u ah iney damiyaan iftiinka kasto oo dhanka wanaaga uga bidhaama Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka axsaabta, isla markaana dib  u eegis lagu sameynayo qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka loo gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 765-dhalinyaro oo nasiib u yeeshay iney ka qeyb galaan tababar ay Hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...