Kulan looga hadlayo Falalka Argagaxisada iyo dhaqan xumada oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SONNA) Kulankan oo ay iskugu yimaadeen Imaamyada Masjidyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayay la dagaalanka Xaqjirnimada argagaxisada iyo dhaqan xumada, waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta oo ay wehlinayeen Xoghayaha joogtada wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda diinta iyo ku dhaqanka Sharaceeda Islaamka.

Xoghayaha joogtada wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Maxamed Qeyroow Aadan ayaa sheegay in wasaaradda diinta iyo Awqaafta aysan ogolaan doonin meelaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriye oo dhaqan xumada sababa, iyadoo la kaashan doona Ciidamada amaanka sidii looga hortagi lahaa.

“Wasaaraddu waxay uga digeysaa Mujtamaca Soomaaliyeed isticmaalka waxyaabaha maanka dooriye loona kaashandoono laamaha amaanka, iyadoo loo baahan yahay in bulshada laga ilaaliyo waxyaabaha dhaqan xumada, wacyi galin joogto ah ayaana laga sameyn doonaa”.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Dr.imaan Cabdulaahi Cali ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin Boqolkiiba boqol dad Islaam ah, loona baahan yahay in la iska kaashado wixii umadda Soomaaliyeed lagu badbaadinayo, wasaaraddana ay door wanaagsan ka qaadan doonto arintaasi

“dadkan dadka dilayo ee aan waxba galabsan hadane sheeganaayo Islaam iyo dhaqamada xun xun dhamaan waxyaabahaasi waa wax dhalan rog ah sidaan uga hortagi laheyna ayaa loo baahanyahay in laga fikiro”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...