AKHRISO: Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo qaadanaya Saraakiil Cusub oo dhalinyaro ah

Date:

Muqdisho (SONNA)Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa soo bandhigay fursad ah in uu qaadanayo saraakiil cusub oo dhalinyaro ah, kuwaasi  oo tababar u gali doona kamid noqoshada Ciidankaasi, waxayna ka kala howl gali doonanaan qeybaha Ciidanka xoogga.

Tirada guud ee qaadanayo oo ah 130 Leyli sargaal, ayaa waxaa loo kala qeybiyey qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaddoona loo qeybiyey sidan:-

1- Qeybta 26aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed       20 Leyli Sargaal

2-Qeybta 54aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed      20 Leyli sargaal

3-Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed       20 leyli Sargaal

4-Qeybta 12ka April ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed        30leyli Sargaal

5-Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed      20 Leyli Sargaal

6-Qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Sooamaliyeed      20 Leyli sargaal

 Sharruudaha laga doonayo qofka loo qaadanayo Leyliga sargaalnimo

1- waa in uu heystaa shahaado Dugsi sare ama Jaamacad.

2- waa in da’diisu ay u dhaxeysaa 18-25 sano jir.

3- waa in  caafimaadkiisa uu  Fiican yahay.

4-waa in luuqada English-ka uu si fiican u yaqaano.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka, ayaa  ku sheegay goobaha Shahaadooyinka lagu qabanayo inay kala yihiin Dugsiga ciidanka badda Soomaaliya iyo Garoonka Kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana muddada qabashada Shahaadooyinka ay ka bilaabaneysaa 15-11-2017 ilaa iyo 22-11-2017.

Warqada Ogeysiiska oo qeyb kamid ah uu soo gaaray Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa waxaa ku saxiixan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod.

W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...