Ra’iisul wasaare Kheyre oo  daah furay Mashruuc shaqo loogu abuurayo dhalinyaradda Soomaaliyeed “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA), R/wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,  Mudane Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo masuuliyiin kale,  ayaa maanta daah furay Mashruuc shaqo abuur ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Aduunka.

Mashruucaan oo lagu magacaabo SCORE, waa mashruuc lagu maalgalinayo Ganisiga yar yar ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa shaqo la’aanta ay ku heyso.

Lacagta Mashuucaan ku baxeyso, ayaa lagu sheegay  $28 Milyan, Maaligalinta ugu badani waa $150,000 kun, kiisa ugu yarna waa $5,000 kun, iyadoo ilaa iyo hada maaligalin loo sameeyay 70 Ganacsiyo yar yar ah.

R/wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in qorsheyaasha Xukuumadda ugu weyn ay ka mid tahay in shaqo loo abuuri dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah, iyaddoo kaashaneysa saaxibadeeda Caalamka.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...