Militariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Arggagixisada Shabaab

Date:

Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa sii kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyada Shabaab,gaar ahaan deegaanada kuyaala xadka ay wadaagaan Shabeelooyinka oo ay ku sugan yihiin cutubyo katirsan ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu duleedka deegaankaasi ku dhexmaray ciidamo katirsan Militariga Soomaaliya oo howlgalo waday iyo maleeshiyaad katirsan Arggagixisada Shabaab oo halkaasi ku dhuumaalaysanayay.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in 3 katirsan Shabaab lagu dilay howlgalkaasi halka 4 kalena looga dhaawacay.

Janaraal Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulfka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab oo la doonayo in guud ahaan laga sifeeyo dalka.

Deegaanada howlgaladaasi ka socda ee kuyaala xadka Shabeelooyinka ayaa dhowr jeer Shabaab waxaa ay dhibaatooyin ay ugu geysteen dad ku safrayay wadadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...