Golaha Wasiirrada oo ansixiyay xeerka siyaasada dhalinyarada Qaranka

Date:

Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomay Magaalada Muqdisho waxaana shir gudoomiyey Mudane Xasan Cali Kheyre Ra,iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa goluhu ay ku ansixiyeen labo xeer oo kala ah xeerka siyaasada Qaranka iyo xeerka Maareynta musiibooyinka oo golaha ay u soo gudbiyeen wasaaradaha ay quseyso waxaa sidoo kale xubnaha golaha loo qaybiyay  miisaaniyada dowladda ee 2018 ka waxaa sidoo kale warbixin laga dhageystay hay’ada amniga dalka.

Siyaasada dhalinyarada Qaranka ee maanta goluhu ansixiyay ayaa lagu cadeeyay xaquuqaadka dhalinyaradu ku leedahay dalka . Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya oo la hadashay warbaahinta Qaranka ka dib ansixinta xeerka ayaa sheegtay in dhalinyarada oo %70 ka ah bulshada Soomaaliyeed uu xaquuqdooda ilaalinayo isla markaana wax badan uu ka badali doono qaabkii hore .

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa u sheegay tvga Qaranka in goluhu soo dhaweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii madaxdu Muqdisho ku yeesheen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...