Taliska Xoogga qeybta 12ka April oo sheegay inay guullo ka gaareen howlgal ka dhacay deegaano gobolka Sh/hoose katirsan

Date:

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa hoggaaminayey howlgal ciidamada difaaca ay ku xorreeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, kaasi oo lagu baacsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Deegaanada howlgan lagu xorreeyey, waxa kamid ah God, Dofaar, Jambaluul iyo Basra oo kawada tirsan gobolka sh/hoose, waxaana intii uu socday howlgalka  ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan gaadiid dagaal oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciimadda ay guullo weyn ka gaareen howlkaasi, ayna ku dileen maleeshiyaad nabad diidka ka tirsan, isagoo intaas raaciyey in nolosha ay ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan kooxdaasi Naflacaariga ah.

howlgaladani, ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay maleeshiyada Al-Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...