Dowladda Iraan oo beenisay in ay lug ku leedahay is Casilaadii Sacad Al-Xariiri

Date:

Dowladda Iran ayaa sheegtay in casilaada Ra’iisal wasaarihii dalka Lubnaan Sacad Al-Xariiri qeyb ka tahay Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka,islamarkaana Iraan wax xiriir la lahayn qorshaha iscasilaadiisa.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Lubnaan ayaa is casilaadiisa sabab uga dhigay inuu u cabsaday noloshiisa.

Saraakiil sar oo u hadlay Iran ayaa ku eedeeyay Mareynkanka iyo Sacuudi Arabia iney ka danbeeyaan qorshaha uu sida lama filaanka ah isugu casilay Sacad Al-Xariire.

Hadalkii uu jeediyey ee uu ku sheegay iscasilaadisa ayaa Al-Xariiri wuxu si ba’an ugu dhaliilay Tehran iyo dhaqdhaqaaga Shiicada Lubnaan ah ee Xisbullah ee ay Iran taageerto.

Talaabadan uu qaaday ayaa Lubnaan dib ugu celinaysa hubanti la’aantii siyaasadeed.

Sacad Al-Xaraiiri wuxu carrabka ku adkeeyey Iran markii uu jeedinayay hadalkii uu ku shaaciyey iscasilaadiisa, waxaanu ku eedeeyey Tehran in ay colaad iyo burbur ka abuurto meel kasta oo ay gacanteedu gaadho. Hadalkiisan uu ka jeediyey Sucuudiga ee aanu ka odhan Lubnaan dhexdeeda ayaa dad badan durbadiiba ku dhaliyey in ay arinta u arkaan go’aan Riyaad ka dambayso.

Lataliye sare oo u hadlay Iran ayaa dusha u saaray Sucuudiga in ay tallaabadan wada qorsheeyeen Maraykanka oo intan madaxweyne Trump hogaanka u qabtay si aad ah u taageera aragtida siyaasadeed ee Sucuudiga ka leeyahay Bariga Dhexe.

Mr. Xariiri Aabihii Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Lubnaan Rafik Al-Hariri ayaa shirqool lagu dilay sanadkii 2005.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...