DFS, Danjireyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay qorshaha abaabulka dagaalka Alshabaab

Date:

Muqdisho(SONNA)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika.

Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed...

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...