Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah Gobolaha Wasiirada

Date:

Amar ka soo baxay Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdal Casiis ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii ciidamada Ilaalada Qaranka, wasiirkii dhaqaalaha iyo mas’uuliyiin kale.

Dhammaan hay’adaha Qaranka ayaa la hoos keenay dhaxal sugaha Sucuudiga oo ah wiilka uu dhalay Boqor Salamaan.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale madax looga dhigay hay’adda la dagaalanka musuq maasuqa, taas oo durba soo xirtay ilaa 10-Amiir oo ay ku jiraan wasiiro hore iyo 4-wasiir oo xilka haya.

Caadil Al Faqiih wasiirkii dhaqaalaha iyo Mutcib Ibnu Cabdalla oo uu dhalay boqorkii hore ayaa ka mid ahaa dadka bqortooyada awoodda badan ku laaha, balse talaabadan isbadalka deg degga ah ayaa loo arkaa mid awoodda dhaxal sugaha sare loogu qaadayo.

Dhinaca kalena Milatariga Sucuudiga ayaa soo riday gantaal ay kooxda Xuuthiyiintu doonayeen inay gaarsiiyaan garoonka diyaaradaha magaalada Riyad ee caasimadda Sucuudiga.

Sida ay ku warantay warbaahinta Sucuudiga dhawr gantaal oo dhinaca Yeman laga soo riday ayaa lagu qabtay hawada Sucuudiga, inkastoo Xuuthiyiintu ay sheegeen in bartilmaameedkii ay lahaayeen ay gantaaladaasi gaareen.

Sucuudiga ayaa lugta la galay dagaalka ka socda Yeman, isagoo hogaamiya Isbahaysi ay dhawr dal oo Carbeed ay ku taageerayaan dawladda Yeman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...