Madaxweyne Donal Trump oo amray in la adkeeyo amaanka Mareynkanka

Date:

Donald Trump,madaxweynaha Maraykanka, ayaa ku amray laamaha amniga Mareynkanka gaar ahaan kuwa xuduudaha iney si adag u baaraan dadka ajaanibka,waxaana amarka Trump uu ka danbeeyay weerarkii Manhattan ee sideedda qof lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawcay.

Boolisku waxay sheegeen in nin ka soo haajiray dalka Uzbekistan oo magaciisa la yidhaa, Sayfullah Saipoy, uu dilay sideed qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Booliska Uzbekistan ayaa isaguna u ballan qaaday Maraykanka inuu ka caawin doono baadhitaanka lagu hayo shilkaa dhacay, waxaana sidaa lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanku.

Madaxweyne Trump wuxu yidhi “waa la adkaynayaa ilaalada xuduudaha suurto galna noqon mayso in loo ogolaado xubnaha ururka la baxay Dawladda Islaamka in ay Maraykanka soo galaan markii lagu jabiyey Bariga Dhexe.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga ah in uu ka hor yimid isbedelka uu isagu damacsanaa. Waxa kale oo uu sheegay in uu isagu doonayey in talaabo adag oo degdega laga qaado ninkaas waxaanu ku tilmaamay habka garsoorka Maraykanka inuu yahay wax lagu qoslo.

Arbacadii shalay madaxweynaha dalka Mareynkanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Congreska dalka Mareynkanka iney dib u eegis ku sameeyaan bixinta Viisaha dalka ku gal ah si loo xakameeyo falal danbiyeedyada dilalka ugu horeeya ee ka dhaca dalka Mareynkanka.

Ciidamo aad u fara badan oo Boolis ah ayaa lagu kordhiyay goobta uu ka dhacay shika lagu dilay sideeda qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Kooxaha Xuquuqul insaanka u dooda ayaa dhaleeceeyay talaabooyinka qaar ee Trump uu kaga fal celiyo dhibaatooyinka kadhaca dalka Mareynkanka oo ka baxsan bini-aadanimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...