Kulan looga hadlayay horumarinta maamulka Hirshabeelle oo lagu qabtay Jowhar

Date:

Kulan looga hadlayay sidii loo dabooli lahaa bahiyaha kala duwan ee ka jira maamulka Hir-shabeele’ayaa lugu qabtay magaalada Jowhar.

Waxaana soo qaban qaabiyay kulankaasi wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Hir-shabeele, iyadoo’ay goob joog ka,ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Qorsheeynta Qaranka,ee D.F.S.  hay’ado ka tirsan U. N. maamulka Hir-shabeele, gobalka shabeeleha dhexe, kan degmada Jowhar qaybaha kala duwan ee bulshada Hir-shabeele,ee mgaalada Jowhar

Kulanka waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa u mahadceliyay hay’adihii ka soo qaybgalay kulanka.

Waxaa, isna halkaasi ka hadlay sii hayaha xilka wasaaradda Qorsheeynta Hirshabeele, Maxamed Cabdi C/laahi  wuxuuna fahfaahiyay muhiimadda kulanka u leeyahay maamulka Hirshabeelle.

Waa kulankii, ugu horeeyay oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Qorsheeynta Hir-shabeele, ee looga hadlo sidii loo dabooli lahaa, bahiyaha ka jira Hir-shabeele

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...