Donal Trump oo amray in la adkeeyo amaanka Mareynkanka

Date:

Muqdisho(SONNA) Donald Trump,madaxweynaha Maraykanka, ayaa ku amray laamaha amniga Mareynkanka gaar ahaan kuwa xuduudaha iney si adag u baaraan dadka ajaanibka,waxaana amarka Trump uu ka danbeeyay weerarkii Manhattan ee sideedda qof lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawcay.

Boolisku waxay sheegeen in nin ka soo haajiray dalka Uzbekistan oo magaciisa la yidhaa, Sayfullah Saipoy, uu dilay sideed qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Booliska Uzbekistan ayaa isaguna u ballan qaaday Maraykanka inuu ka caawin doono baadhitaanka lagu hayo shilkaa dhacay, waxaana sidaa lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanku.

Madaxweyne Trump wuxu yidhi “waa la adkaynayaa ilaalada xuduudaha suurto galna noqon mayso in loo ogolaado xubnaha ururka la baxay Dawladda Islaamka in ay Maraykanka soo galaan markii lagu jabiyey Bariga Dhexe.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga ah in uu ka hor yimid isbedelka uu isagu damacsanaa. Waxa kale oo uu sheegay in uu isagu doonayey in talaabo adag oo degdega laga qaado ninkaas waxaanu ku tilmaamay habka garsoorka Maraykanka inuu yahay wax lagu qoslo.

Arbacadii shalay madaxweynaha dalka Mareynkanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Congreska dalka Mareynkanka iney dib u eegis ku sameeyaan bixinta Viisaha dalka ku gal ah si loo xakameeyo falal danbiyeedyada dilalka ugu horeeya ee ka dhaca dalka Mareynkanka.

Ciidamo aad u fara badan oo Boolis ah ayaa lagu kordhiyay goobta uu ka dhacay shika lagu dilay sideeda qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Kooxaha Xuquuqul insaanka u dooda ayaa dhaleeceeyay talaabooyinka qaar ee Trump uu kaga fal celiyo dhibaatooyinka kadhaca dalka Mareynkanka oo ka baxsan bini-aadanimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...