Cabdul-Fattah Al-Sisi” Waxaan xoojineynaa Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya”

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha dalka Masar Cabdul-Fattah Al-Sisi ayaa carabka ku adkeeyay Arbacadii shalay inuu wadankiisa si adag u garab taagan yahay midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Al-Sisi ayaa yimid ka dib qad taleefanka uu kula hadlay dhigiisa Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo,sida ay qortay Wakaalada wararka Masar ee loo soo gaabiyo MENA.

Intii lagu guda jiray wadahadalka telefoonka, labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyadoo kor loo qaadayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxay sidoo kale,isla soo hadal qaadeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxweynaha Masar Cabdul-Fattah Al-Sisi horumaradii ugu danbeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka xukuumadda ay ku soo celisay amniga iyo xasiloonida si loo fuliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed loona gaaro horumar.

Dhinaciisa,madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Masar doorka taageerida wadankiisa ay ka siiso xasiloonida iyo adkeynta nabad galyada.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah,kaasoo ku qotoma Arimo badan oo ku saabsan iskaashi dhanka amniga,waxbarashada,ganacsiga iyo dhaqanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...