Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

Date:

Muqdisho (SONNA)ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.

โ€œInnaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.โ€

Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

โ€œAlle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah.โ€

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...