Ehelada Suxufiyiin ku geeriyooday Qaraxii soobe oo deeq lacageed la gaarsiiyay

Date:

Muqdisho (SONNA) Deeqdan lacageed ayaa loo qeybiyey ehelada Suxufiyiin ku geeriyooday qarixii ka dhacay 14 October isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, iyadoo lacagtaan ay soo dhiibtay hay’adda Free Press oo fadhigeedu yahay wadanka Holand.

Suxufiyiinta geeriyootay ee maanta eheladooda lacagta la gaarsiiyey waxaa ka mid ah allaha u naxariistee Cabdulaahi Cisman Faarax oo ka howlgali jiray idaacadda Maandeeq  iyo Cali Nuur Siyaad oo u shaqaynayey Voa, iyadoo qoys waliba la siiyey lacag dhan 1500 oo dollar.

Sidoo kale waxaa lacag iyana la siiyey Suxufiyiin ku dhaawacmay qaraxaasi kuwaas oo uu ka mid ahaa  Maxamed Cumr Baakaay

Markii ay soo gaba gabowday lacag bixinta ayaa waxaa saxaafada la hadlay xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu oo u mahad celiyay Hay’adda Free Press oo u soo gurmatay Suxufiyiinta waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Soobe.

Maalmihii dembe waxaaa socday gurmad loo fidinayey ehelada dadkooda ku waayey qarixii ka dhacay isgooska 14 october ex soobe ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...