Kulan lagu taageerayay waxqabadka Dowladda oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulankani oo lagu taageerayay waxqabadka Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen siyaasiin waxgad iyo xubno kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaana kulankaasi laga soo saarey baaq loo jeedinayo bulshada Soomaaliyeed kaasi oo ah in dowladda la taageero islamarkaan meel looga soo wadajeesto fekradaha wax u dhimikara dowladnimada.

Kulankaasi ayaa markuu soo geba geboobay ayaa waxaa warbaahinta lahadlay,Nabadoonada kala ah  Ibraahim Maxamd Weydow,Caaqil Maxamuud Xasna Xaaji Biyow,Maxamed Cali Cumar,iyo C/raxmaan Axmed Cabdulle Qaloosh,waxaana ay sheegeen in ujeedka kulankaasi uu ahaa mid lagu xoojinayo taageerada loo fidinayo Dowladda Soomaaliya.

Waxgaradkan ayaa sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo midnimada iyo wax wada qabsiga, lagana fogaado kala tafaraaruqa iyo in laga hormiyaado dowladda.

“Walaalyaal waxaan rabnaa in aan ka hadalno dalkaan dowladda iyo Masiirkiisa,waxaan ognahay dowladnimada waa shaqey qaali ah, oo la ilaashado,waxaana ogolaankarin in si dhib yer ama talo la’aan ah in dowladda nooga dunto,waxaana ka soo horjeednaa in dowladdadusha laga saaro eedeymo aysan lahayn,waxaan rabnaa umadda Soomaaliyeed in umadda Soomaaliyeed ay umidoobaan horumarka iyo taageerada dowladda,lamina joogo waqti kala tafaraaruq ah”Ayay dheheen odayaasha shirka jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay horumarka dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha amniga,iyo dib u dhiska,tasi oo ay soo dhaweeyeen bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...