Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo Wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Horumarka maaliyadda Qaranka oo ay kamid yihiin canshuuraha, Mushaarka shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.
Wasiir Beyle, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xil gaar ah iska saartay siddii loo joogteyn lahaa Mushaarka shaqaallaha dowladda, ayna dhammaan shaqaalaha helaan xaquuqdooda dhammaadka bil walba.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in qof kasta oo shaqaale ah dowladdana u shaqeeya uu xaq u leeyahay in mushaarkiisa la siiya, xittaa haddii uu fasax ku maqan yahay, waxaana uu xusay inay dhammaatay in la musumaasuqo Mushaar shaqaale loogu talo galay.
Waxa uu sheegay in dowladda ay u baahan tahay in la kaabo dhaqaalaheeda, isagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuurta, si ay u fududaato in dib loo soo nooleeyo addeegyada arrimaha bulshada ah iyo mashaariic kale oo shacabka Soomaaliyeed muhiim u ah.