Madaxweynaha Maamulka Puntland oo soo xiray shir looga hadlayay Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA) Xiritaanka shirkan loogaga hadlayay Horumarinta kalluumaysiga Soomaaliya waxaa ka soo qayb galay Madaxwayanah Puntland ,wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Somaaliya,wasiirada kalluumaysiag ee Maamulada dalka ,is kaashatooyinka kalluumaysatada Soomaaliyeed ,Hay’adaha caalamiga ah ee taageera harumarinta kalluumaysiga Soomaaliya iyo marti sharaf kale  iyadoona gaba gabadii shirkan socday saddexda bari laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban lix Qodob.

Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo ka hadlayay gabagabadii shirkaani wuxuun farxad ka Muujiyay natiijada shirkan kalluumaysiga Soomaaliya siina raaciyay in uu ahaa Mid si dhab ah u taabtay

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in uu ahaa shir dadka Soomaaliya oo dhan taabtay oo ay dadka soomaaliyeed aay maanta dhibatada baddeena ka taagan ay xog buuxada ka hayaan laguna gaaray war murtiyeed dadkii qaybaha kal duwan ee Soomaaliya matalyay ay si wada jira uga soo saareen loona guntaday sidii xaalada badda Soomaaliya wax looga qaban lahaa

C/laahi Cumar Abshirow wasiir ku xigeenka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Soomaaliya waxa uu si  cad u sheegay in shirkaan ay ka soo baxeen waxyaabno muujinaya in si dhab ah looga faa’ideysto kheyraadka dhex ceegaaga Baddeena Soomaaliya.

C/laahi Cumar Abshirow  ayaa cadeeyay in kan Wasaarad ahaan ka go’an tahay iyagoo kaashanaya maamul Goboleedyada dallka in la sameeyo siyaasada iyo sharciga Kaluumeysiga dalka,islamarkaana la hormariyo niyad ahaan dadka kaluumeysatada ah.

Gabagabadii,waxaa shirka soo xiray madaxweynaha maamulka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo xiray shirka,isagoo nasiib daro Qaran ku tilmaamay kaluumeysiga sharcidarada ah ee ka socda Baddena Soomaaliya oo aanay jirin cid wax ka qabaneysa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...