R/W Khayre “Madaxda Turki Waxay Diyaar u yihiin in ay ka Qayb qaataan la Dagaalanka iyo Cirib-tirka Argagixisada”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turki Binali Yildrim, waxaana si hab-maamuus ah loogu soo dhaweeyey Qasriga Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, isagoona halkaas salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka dalka Turki.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Turki, kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka Argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood. Waxuuna tilmaamay in madaxda Turki, ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka iyo cirib-tirka Argagixisada.

“Soomaaliya iyo Turki waa labo wadan oo walaalo ah, waxayna diyaar u yihiin in ay is taageeraan iskana kaashadaan wada shaqeynta labada dawladood, si la iskugu xiro quluubta labada shacab” Ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Turki Binali Yildrim, ayaa tacsi u diray dadkii ku geeryooday qaraxii 14 October ka dhacay Muqdisho. Sidoo kalena waxuu u duceeyay shacabkii ku dhawaac may qaraxaas, isagoona balan qaaday in ay mar walba la qayb sanayaan dhibaatooyinka ay la kulmaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin dad walaalo ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta uu joogo magaalada Ankara, waxuu la kulmi doonaa Jaaliyada ku dhaqan dalkaas, waxuuna booqan doonaa bukaandii la geeyay dalka Turki. Sidoo kalena waxuu Madaxwayne Erdogan, kala hadli doonaa xaaladda ay ku suagan tahay Soomaaliya.

—DHAMMAAD—- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...