R/W Khayre “Madaxda Turki Waxay Diyaar u yihiin in ay ka Qayb qaataan la Dagaalanka iyo Cirib-tirka Argagixisada”

Date:

Muqdisho (SONNA), 26 October 2017…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turki Binali Yildrim, waxaana si hab-maamuus ah loogu soo dhaweeyey Qasriga Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, isagoona halkaas salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka dalka Turki.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Turki, kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka Argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood. Waxuuna tilmaamay in madaxda Turki, ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka iyo cirib-tirka Argagixisada.

“Soomaaliya iyo Turki waa labo wadan oo walaalo ah, waxayna diyaar u yihiin in ay is taageeraan iskana kaashadaan wada shaqeynta labada dawladood, si la iskugu xiro quluubta labada shacab” Ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Turki Binali Yildrim, ayaa tacsi u diray dadkii ku geeryooday qaraxii 14 October ka dhacay Muqdisho. Sidoo kalena waxuu u duceeyay shacabkii ku dhawaac may qaraxaas, isagoona balan qaaday in ay mar walba la qayb sanayaan dhibaatooyinka ay la kulmaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin dad walaalo ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta uu joogo magaalada Ankara, waxuu la kulmi doonaa Jaaliyada ku dhaqan dalkaas, waxuuna booqan doonaa bukaandii la geeyay dalka Turki. Sidoo kalena waxuu Madaxwayne Erdogan, kala hadli doonaa xaaladda ay ku suagan tahay Soomaaliya.

 

 

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...