Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ku saabsan arrimaha Garsoorka oo Murataaniya ka dhacay+Sawirro

Date:

Murataaniya(SONNA) Shirkan  oo ay isugu yimaadaan Maxkamdaha Sare ee Wadamada ku jira  jamacda carabta oo sanadkii mar laqabto ayaa waxaa sanadkaan lagu qabtay Dalka muritaaniya Caasimadiisa Nwaakshood.

Soomaaliya waxaa  uga qayb galay shirkaasi mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Garsoorka Dalka waxaana kamid ahaa Garsoore Sheek Aabukar Cusmaan Daahir oo ah Garsoore Ka tirsan Makamadda Sare, Guddomiyaha Maxkamdda Racfaanka Gobalka Banaadir Ustaad Saalix Sheek Ibraahim Dhiblaawe.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi looga hadlayay ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Garsoorka ee Dalalka Ku bohoobay Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay kujirto.

Shirka waxaa uu socday muddo labo maalin ah 23-24/10/2017 kaasi oo laga soo saarey gebeba gebadiisa qodobo mihiim ah oo quseeeya xiriirka iskaashiga iyo wadshaqeynta hay’adahaasi Garsoorka.

Wefdigii Soomaaliya uga qeybgalay ayaa sheegay in waxyaabihii shirkaasi ka soo baxay ay ahmiyad weyn u leeyihiin Dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...