Ciidamada Xooga dalka oo Al shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Bakool

Date:

Muqdisho (SONNA) Wararka ka Imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay la wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiye ku Xigeenka Maamulka Gobolka Bakool ahna ku Simaha Guddoomiyaha C/laahi Maxmed Nuur Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Dagaal xooggan oo saf balaaran ah ay qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay kaga saareen Maleeshiyada Al shabaab deegaano ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ku dhuumaaleysanayeen, isagoo xusay in Job xoogan la gaarsiiyay Argagaxisada.

Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka wuxuu sheegay in hada ay degan tahay xaalada deegaanada ay la wareegeen Ciidamada Xooga dalka, dadka shacabka ay si weyn u soo dhaweeyeen.

C/laahi Maxmed Nuur Xuseen ku simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bakool Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee jooga Bokool in nabad diidka ah laga saaro Gobolka oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...