Madaxweyne Gaas oo si rasmi ah u furey kalfadhigii 40-aad ee baarlamaanka Puntland

Date:

Munaasabada lagu furayay kalfadhigii 4aad ee baarlamaanka Puntland ayaa manta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Goboleedka Puntland,taasi oo ay ka qeybgaleen guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u furay kalfadhigii 40-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay waxqabadka Puntland,Madaxweyne C/weli Gaas ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland uu ku talaabsaday horumaro dhinacyo badan leh,sida Ammaanka hanaanka dowlad Goboleed dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyuada bulshada ee deegaanada Puntland.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay maamulka Puntland madaxdiisa sida wanaagsan oo wafdigoodi ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Garoowe bogaadiyayna wadashaqeynta labada dhinac.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi ka sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu waa cusub u baryay,wuxuuna muujiyay ahmiyadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta Baarlamaanka Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...