R/Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Maxamed Jaamac oo ku geeriyooday Caabud-Waaq

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan, Xoogahayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Mudane Maxamed Keynaan iyo dhamaan Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan Axmed Nuur Maxamed Jaamac oo Aabihiis Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Jaamac ku geeriyootay degmada Caabudwaaq.

waxayna alle uga baryayaan in uu qabriga u waasiciyo una fududeeyo su’aasha maalinta qiyaame. “Geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska reer Maxamed Jaamac, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumka uu jannaadiisa ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Sidoo kale, waxaa tacsi taa lamid ah u diraya Ra’iisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhammantood marxuumka Allah uga baryay inuu jannadiisa fardowso ka waraabiyo ehelkiisa samir iyo iimaan ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...